Ku Saabsan Qaamuuska Qalinqaad
Kusoo dhawow Qaamuuska Qalinqaad, Qalinqaad waa qaamuus casri ah oo dijitaal ah, kaas oo loogu talagalay inuu noqdo mid la isku hallayn karo, fudud oo qof walba u furan, isla markaasna daboola baahida maalinlaha ah ee bulshada soomaaliyeed. Hadafkayagu waa inaan hubinno in hodantinimada Af-Soomaaligu ay gaarto qof kasta iyo meel kasta.
Hadafka
Luqaddu waa aas-aaska dhaqanka. Hadafkayagu waa ilaalinta iyo horumarinta Af-Soomaaliga annagoo bixinayna il-wareed dijitaal ah oo la isku hallayn karo. Haddii aad tahay arday, cilmi-baare, ama qof afkiisa hooyo ku hadla oo doonaya inuu kobciyo eray-bixintiisa, Qaamuuska Qalinqaad adiga ayaa laguu sameeyay.
Aragtida
Waxaan higsanaynaa inaan noqonno Marjica ugu ballaaran ee dijitaalka ah ee laga helo macluumaadka Af-Soomaaliga, annagoo isku xirayna qaamuusyadii hore iyo teknoolojiyadda casriga ah.
Sheekadeenna
Qaamuuska Qalinqaad wuxuu ka soo ifbaxay baahi dhab ah oo muddo dheer jirtay taas oo ah in la helo qaamuus Soomaali-Soomaali ah, casri ah, oo si toos ah looga heli karo suuqyada barnaamijyada (App store and play store). Markaan aragnay sida ay muhiim u tahay in bulshada loo helo qaamuus dijital ah oo daboola baahidooda maalinlaha ah, ayaanu go’aansannay inaan abuurno Qaamuuska qalinqaad.
Ka mid noqo safarkan lagu kor u qaadayo oo lagu sharfayo afka Soomaaliga.
Maxaad u dooranaysaa Qaamuuska Qalinqaad?
- Xog Dhammaystiran: Erayada badankooda waxaan raacinnay macluumaad muhiim ah sida: Nooca erayga, Isrog-roggiisa (Conjugation), Erayada la macnaha ah (Synonyms), iyo Tusaalayaal muujinaya sida loo adeegsado.
- Mudnaanta Fudeydka: Waxaanu aaminsanahay adeegsi ka caagan waxyaabaha dareenka jeediya. Naqshaddayada nadiifta ahi waxay si buuxda diiradda u saaraysaa erayada iyo qeexitaankooda.
- Degdegsiimo: Waxaan adeegsannay tiknoolojiyad casri ah oo kuu oggolaanaysa in aad hesho natiijooyin degdeg ah inta aad wax qorayso.
- Muuqaal indhaha u roon: Waxaad kala dooran kartaa Habka ☀️ iftiinka & 🌙 madowga si aad u hesho akhris raaxo leh xilli kasta.
- Doorka Bulshada: Waxaan soo dhaweynaynaa talo-bixinta, wax-ku-darka, iyo sixitaanka ay bixiyaan isticmaalayaashu, si aan u hubinno in qaamuusku la jaan-qaado koboca & isbeddelka afka.